Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Missbruket kostar samhället mångmiljardbelopp

Waxyeelooyinka Maandooriyeyaasha

La daabacay tisdag 2 november 2010 kl 09.26
Waxyeelooyinka isticmaalka maandooriyeyaasha oo miisaaniyad badan bulshada ugu kaca.

Baaraha dawladda ee lagu magacaabo Gerhard Larsson ayaa qoray in ey miisaaniyadda dawladda ugu kacdo dhaqaale gaarsiisan 150 milyaard ee koronka iswiidhishka sannadkii waxyeelooyinka khamriga iyo muqaadaraadka, sida lagu soo daabacay wargeeyska maalinlaha ee Dagens Nyheter oo marka magaciisa la soo gaabiyana loo yaqaanno DN.

Heyadaha caafimaadku iney dardar-geliyaan hoowlahooda la xiriira sidii, sida ugu dhakhsiyaha badan loo heli lahaa dadyoowga muqaadaraadka isticmaala. Waa mid dhaqaale badan u baajin lahaa bulshada haddii hoowlahaa si tayo leh wax looga qabto, sida uu sheegay Gerhard Larsson:

- Muhiimaddu waxay tahay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo ogaado cidda muqaadaraadka isticmaasha, hab-dhaqanka hayadaha dawladda iyo xafiisyada bulshadu, wada-shaqeeynta ka dhaxeeysa iyo hoowsha ku abbaaran cid walba. Sidoo kale in kor loo qaado tayada daryeelka, in la helo shaqaale karti iyo aqoon u leh hoowshooda, la helo cilmi-baarisyo hoowlahaa la xiriira, kor u qaadid aqooneed ee dadyoowga ka hoowl-gala goobaha lagu qaabilo ama lagu xannaaneeyo dadyoowga qabatimay muqaadaraadka. Waa tallaabooyin muhiimad ku fadhiya, sida uu sheegay Gerhard Larsson.

Degmooyinka iyo gobollada dalku ka kooban yihiin ayaa maanta geliya waxyeelooyinka iyo daryeelka isticmaalka maan-dooriyeyaasha sannadkii miisaaniyad gaarsiisan 16,5 milyaard ee koronka iswiidhishka. Qiimeeyn dawladdu dhowaantan ku sameeysay dhaqaalaha ku baxa hoowlahaa ayaa lagu ogaaday in ka hortagga inta aanu ruuxu qabatimin maandooyiyeyaasha ey bulshada u baajin lahayd dhaqaale aad u fara badan.

- Tallaabooyinka loo baahan yahay iminka ee waaqiciga ah waxey yihiin in la joogeeysto su’aalaha isticmaalka ruuxa ee muqaadaraadka, lagu casumo sidii looga taakuleeyn lahaa. Waxaa laga hadlayaa daryeel loo fidiyo oo ka dhaxeeya ama uu ka mideeysan yahay dalka dhammaantii, halka siyaabo kala duwan maanta loo isticmaalo.

Baaraha ayaa xilliga gu’ga ee foodda innagu soo haya soo ban-dhigi doona natiijadiisa la xiriirta sidii loo qaabeeyn lahaa xeerarka u degsan qabatinka maandooriyaha.

 Isha: Ekot

                                                        Kenadid.Mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".