Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Missbrukskostnader

Muqaadaraadka iyo Caqabadihiisa

La daabacay tisdag 2 november 2010 kl 13.30
Maandooriyeyaasha dhuumaaleeysiga lagu soo geliyo.

Warbixin uu ku soo daabacay war-geeyska DN baaraha dawladda Gerhard Larsson ayuu ku caddeeyay inay dawladda kaga baxdo dhaqaale gaarsiisan 150 milyaard ee koronka iswiidhishka sannadkii isticmaalka muqaadaraadka iyo dadyoowga qabatimay.

Iayadoona uu fikirkaa ku sheegay in aanu ahayn wax cusub eyna  ka digayeen soddoonkii sannadood ee ugu dambeeyey Jan Börjesson, gudoomiyaha ururka daladda ee afka iswiidhishka lagu yiraahdo Länkarna (Ururka daladda ee isku xireyaasha:

- Xaqiiqdii waa digniin aannu bixineyney soddonkii sannadood ee ugu dambeeyey intii la aasaasay ururka isku xirka. Waxaannu ka digeeyney inuu cirka isku shareeri doono dhaqaalaha ku baxa hoowlaha la xiriira dadyoowga qaba-timey maandooriyeyaasha, sidoo kale waxaannu aragney in dhaqaale aan loo baahneyn la geliyey ururro ama baaritaanno. Wuxuuse waagu ku baryay markii ay muuqatay in ururkii ka war hayay iyo sida looga hor-tegi karo laga dhimay dhaqaalihii, sida uu sheegay Jan Börjesson.

Ururka Isku-xireyaasha (länkarna) oo isku macneeya urur aan siyaasadna ku xirnayn, u furan dhammaan cid walba oo dooneysa sidii ey gacan uga geeysan lahayd cid walba ee damacsan inay ka baxdo isticmaalka muqaadaraadka. Iminkadan la joogo ayey

5 000 oo ruux taageero ka helaan ururka isku-xirka dalka baaxaddiisa sidii ey uga maamrmi lahaayeen la qabsashada ey la qabsadeen muqaadaraadka. Inkastoona uu sannad walba hoos ugu dhacaayey 10 illaa 50% dhaqaalaha ururku lagu taageero, middaasina ku xiran tahay degmada ey laamaha ururradu gacanta ka geeysta hoowlaha ka hortagga muqaadaraadka iyo ka daaweeyntoodu ka hoowl-galaan.

- Aad iyo aad baa looga dareemey in dhaqaalihii aad hoos ugu dhacay qaasatan marka laga hadlayo goobaha ey ka hoowl-galaan laamaha ururka ee degmooyinka iyo kan guudba. Waxaannu sidoo kale aragnaa ururrada oo xubnahoodu aad u sii kordhayaan iyo sidoo kale sida hab-samida leh ee ey gacanta uga geeystaan hoowlahaa, waa fikir uu qabo Jan Börjesson.

Qorshaha lagu magacaabo Buugga Jaalaha ee ururku isticmaalo ayaa daboolaya dhammaan taageerada loo fidiyo dadyoowga qabatimey muqaadaraadka iyo sidey uga soo laabmi lahaayeen dhan walba, hadday noqon lahayd dhanka dawooyinka iyo maskixiyanba.

Jan Börjesson, ayaa qaba in war-bixintan uu soo jeediyey baaraha dawladda  Gherard Larssons tahay bilow wanaagsan, hase yeeshee ey jiraan dhabbooyin kale ee u baahan in la maal-geliyo:

- Tusaale sidii aan marar badanba ka hadalnay in miisaaniyad la geliyo baayac-mushtarka xuduudaha iyo boliiska, si ey u joojiyaan muqaadaraadka faraha badan ee xuduudaha ka soo gudba, ha noqoto khamri ama muqaadaraad kaleba, Jan Börjesson.

Ururka Isku-xireyaasha (länkarna) ayaa sidoo kale qaba in aad kor loogu qaado qiimaha maandooriyaha khamriga.

                                                       Kenadid.Mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".