Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
MONA SAHLIN OO SOO JEEDISAY IN LA ADKEEYO

Wadashaqeeynta Garabyada Siyaasadda

Publicerat onsdag 19 januari 2011 kl 13.32

Wada-shaqeeyn dhex-marta garabyada siyaasadda. Wuxuu ahaa fikir ay hogaamiyaha xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ee kursiga iska casishay, Mona Sahlin dooddeedii ugu dambeeysay inta ay hogaanka hayso, mar ay ka hadlaysay masraxa baarlamanka doodii hogaamiyeyaasha xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka.

Sidoo kale Maria Wetterstrand, kana mid ah laba af-hayeen ee xisbiga Doogga, ayay sidoo kale ahayd dooddeedii ugu dambeeysay muddada eay hayso hogaanka xisbigeeda.

Mona Sahlin oo taariikh dheer ee kala duwan farxad iyo murugaba ku yeelatay muddadii dheereeyd ee ay siyaasadda faraha kula jirtay, ayaa diiradda ku saartay dooddeedii ugu dambeeysay siyaasadda shaqada iyo shaqa la’aanta. Sahlin ayaa dhaleeceeyn u soo jeedisay dadyoowga ceeymiska dibadda uga dhacay iyo kuwa bulshada ka faqooqan, hase yeeshee mar ay taariikhda dib u eegeeysay carabaabtay wada-shaqeeyntii xisbiyada Dhexe ee Centerka iyo Shacabka Folkpartiet ee suurta-gelisay nidaamka miisaaniyadda dhaqaale iyo kan qidmadda ee dalka, iyadoona tusaale uga dhigatay habka wada-shaqeeyn dhex-marta garabyada siyaasadda.   

Iminkana oo lagu jiro xaalad uu xisbiga xag-jirka ee Sveriyedimoqoraadigu xubin ka yahay baarlamanka aan loo baahnayn in la isku qoobabo hab-fikirka garabyada siyaasadeed, sida ay sheegtay Mona Sahlin oo ku bogaadisay garabyada siyaasadda kala duwan wada-shaqeyn. 

- Waxaan go’aansaday in aan isaga dego kursiga hogaamiyenimo, hase yeeshee weligay joojin maayo inaan dagaal kala soo hor-jeedo siyaasadda faqooqnaanta, cunsuriyadda iyo xisbiga Sveriyedimoqoraadiga. Waxaan sidoo kale idiin ballan qaadi karaa in hogaamiyaha Sooshiyaaldimoqoraadiga ee kursiga igala wareegi doonaana sidaa noqon doonno.

                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".