Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Maxkamadda Danmark ee soomaaliga

Nin Soomaali Ah oo Maxkamad La Horkeenay

Publicerat torsdag 20 januari 2011 kl 14.02
Dhismaha wargeyska Jyllands Posten ee lagu soo daabacay sawirrada.

Arbacadii shalay ayaa maxkamad la hor keenay dalka Danmark nin asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya laguna haysto dembi ah isku-day dil far-shaxanle u dhashay dalka Danmark, kana mid ahaa 11-kii sawirleyaal ee sawirrada gacanta laguna matalayay Nebi Maxamed.

Waxaan ka murugeeysnaa sawirrada uu nabaiga ku mitaalayay iyo haddalladii uu ka sheegay, muhiimadeeyduna ma ahayn inaan farshaxanka qudha ka jaro ee waxaan u dan lahaa oo keliya inaan cabsi geliyo ayuu sheegay ninka dacwadda lagu soo oogay.

Ninkaa ayaa la sheegay intii aannu ka soo safrin aqalkiisa oo ku yaala magaalada Kopenheegan aanuna u soo safrin goobta uu deggenaa farshaxanka ee Viby, kuna dhow magaalada Århus uu timaha iska soo jaray, u labistay si wanaagsan, islamarkaana isa soo carfiyay, middaasina oo lagu macneeyay inuu shahiidnimo isku soo diyaariyay sida maxkamadda laga hor sheegay.

Bishii septeembar ee sannadkii 2005 ayuu koox uu ka mid yahay farshaxanle Westergaard, ku soo daabacay war-geeyska Jyllandposten sawirro matalayey nebi Maxamed oo xiran cimaamad miino dusha ka saran tahay, isagoona hanjabaadyo badan loo geestay wixii intaa ka dambeeyay.

Ninkan soomaaliga ayaa la sheegay in haddii dembiyada lagu soo eedeeyay ey ku caddaadaan lagu xukumi karo xabsi daa’in ah, halka uu Westergaard maxkamadda ka sheegay inuu jeclaan lahaa ogaanshaha ciddii ka dambeeysay ee ku soo amartay ninkan, sida ku cad war laga soo xigtay hayadda wararka ee AFP.

                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".