Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Caruur dalkaan ku sugan oo aan iskuulka aadin

Publicerat onsdag 16 februari 2011 kl 10.42
Foto: Ulrika Uusitalo Fernholm/SR Gotland

Sanad walba boqolaal caruur ah oo ku nool dalkaan Iswiidhan ayaan iskuulada aadin xataa iyadoo ay dalkaan Iswiidhan khasab tahay in caruurta oo dhammi iskuul aadaan.

Hey'adda kormeerta iskuulaadka ayaa sheegtey in sanadkii hore waalidiin intii hore ka badani ay soo gudbiyeen in caruurtoodu aysan rabin ama aysan awoodin in ay iskuulka aadaan.

Sanadkii hore ayaa la diiwaangaliyey 239 xaaladood taas kor uga hacdey boqolkiiba 68 marka la barbardhigo sanadkii kaas ka horeeyey.

Hey'adda kormeerta iskuulaadka ayaa hoosta ka xariiqdey in degmooyinka dalkaan uu waajib ka saaran yahay sidii ay waxbarasho ugu diyaarin lahaayeen dhammaan caruurta oo dhan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".