Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dooddii Siyaasadda Arrimmaha Dibadda ee Baarlamanka

La daabacay onsdag 16 februari 2011 kl 12.55
Urban Ahlin afhayeenka arrimmaha dibada xisbiga mucaaradka ee Sooshiyaaldimoqoraadigu. Foto: Janerik Henriksson/ Scanpix

Codka siyaasadda ee dawladdaha Yurub waa mid adduunyadu u baahan tahay. Codka dalkan Iswiidhenna waa mid dawladaha Yurub u baahan yihiin.
Ereyadaa ayuu Carl Bildt ku bilaabay doodii maanta baarlamanka lka dhacday lana xiriirtay siyaasadda arrimmaha dibadda ee dalka Iswiidhen. Doodda maanta ka dhacday baarlamanka ayaa in badan ku saabsanayd doorka ururka midowga Yurub uu dalkani ku leeyahay.
Carl Bildt ayaa sidoo kale ku cel-celiyay siyaasadda dawladdiisa ee arrimmaha dibadda.

- Waddammada xubnaha ka ah ururka midowga Yurub ama waddammada dhaca waqooyiga Yurub weerar lagu soo qaado, waxaannu sidoo kale ka fileeynaa in waddammadaasina sidaa oo kale u dhaqmaan haddii dalkan caqabad dagaal la soo gudboonaato.
Intaa kadib ayuu Carl Bildt, wasiirka arrimmaha dibaddu ka hadlay istaraateejiyada ururka midowga Yurub iyo in ururku noqdo mid ku haboon sidii loo qaabili lahaa labadaba xaalad ammaan iyo mid dagaalba.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".