Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Liibiya iyo wasaaradda arrimaha dibadda Sweden

Publicerat måndag 21 februari 2011 kl 11.01
Carld Bildt wasiirka arrimaha dibadda Sweden

Shirkadda xagga isgaarsiinta u qaabilsan ee Ericsson ayaa maalinta talaadda ah ee berito lugu wadaa iney ka soo baxdo dalkaasi, waxaana muwaadiniinta xiiseynaya iney soo saaraan ay awood u leeyihiin iney la soo duulaan, balse ay qarashka jeebkooda ka baxsan doonaan. Sidaasna waxaa sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

Dibadbaxyada lugu diidan yahay maamulka Tripoli ayaa haatan noqday kuwo magaalaba magaalo u gudbay. Warar kala duwan oo dalkaasi laga helayana ayaa sheegaya in dowladdu ay gacanteeda ka baxday magaaladda labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Bengazi. Boqolaal qof ayaa wararku sheegeen iney ku dhinteen.

Maantana wasiiradda arrimaha dibadda midowga Yurub aayaa ka munaaqishoon doona arrimaha waqooyiga Afkrika iyo dunidda carabta. Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Cal Bild oo ku sii jeeda shirkaasi ayaa sheegay inuu ka wel welsan yahay xaalka dalkaasi Liibiya,
"waxaan si aad iyo aad ah uga wel welsanahay xaaladda oo qarka u saaran iney sii socoto. Mana ahan mid ka hadleysa kee la taageera kan mise kuwa kale ee waa mid ah siddii la iskugu dayi lahaa in la soo celiyo deganaanta."
Wasiirku waxa uu ku tilmaamay xaaladaha dalka Liibiya mid dhib badan, salkana ku heysa isbadaladii ka dhacay dalka Tuunisiya iyo Masar.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".