Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Utrikesfödda nekas sjukpenning

Ajaanibta oo loo diido gunada bukaanka la siiyo

La daabacay onsdag 23 februari 2011 kl 18.06
Ajaanibta oo loo diido qidmada la xiiyo bukaanka

Dadyowga ajaanibta ah ee ku dhasha dalka dibaddiisa ayaa inta badan loo diida gunnada la siiyo dadka bulaanka ah ee loo yaqaano sjukpenning ee ay bixiso hey'ada ceymiska ee försäkringskassan, marka la bar bar dhigo dadyowga ku dhasha dalkan gudihiisa.T irro koob ay sameysay jariidada DN oo ay hey'adu ceymiska ka soo xiggatay ayaa lugu sheegay sidaasi.

Sidoo kale gunnaddaasi la siiyo dadka bukaanka ah iyo kuwa sida deg dega ah  u noqda howlgabka ayaa sadexddii qof ee kamid ah ee ku dhasha dalkan gudihiisa loo diiday sanadkii ina dhaafay codsiyadooda la xirriira qidmadaasi bukaanka la siiyo. Dadka ugu badan ee loo diiday gunnadaasi ayaa lugu sheegay tirro koobka iney ka yimaadeen barriga dhexe, Turkiga iyo Waqooyiga Afrika.

Magdalena Brasch, waa madax ka tirsan xarrunta ceymiska ee försäkringkassan-ka. waxaa ay sheegtay iney dhici karto in sharcigu ku adkeynayo dadka shaqo laaaweyaalka ahi iney qaataan lacagtaasi gunnadda ah ee la siiyo bukaanka. Saameyna ay ku yeellan karto kuwa ajaanibta ahi ee dalka dibadiisa ku dhasha. Shaqo la,aanta uga badanina ay  heyso dadka ajanabiga ah. Waxaana ay tilmaantay ineysan taasi noqon karin midabtakoor.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".