Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Julian Assange oo Sweden lugu soo celinayo

Uppdaterat torsdag 24 februari 2011 kl 14.00
Publicerat torsdag 24 februari 2011 kl 13.51
Julian Assange aasaasaha bogga caanka ah Wikileaks oo Sweden loogu soo celinayo

Maanta ayaa maxkamad ku taala magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaa ay go'aan ku gaartay in dib loogu celiyo dalka Sweden aasaas-sihii bogga internet-ka ee Wikileaks Julian Assange, si loogu dhageysto dacwada ka dhanka ah ee lugu eedeynayo inuu kufsi u geystay labo dumar ah islamarkaasina ku qasbay iney la sameeyaan galmo qasab ah.

Go'aanka ay maanta maxkamada gaartay ee in dib loogu celiyo Sweden , waxaa ay qaadaneysaa waqti, ka hor inta aanu kiiskiisa  la wareegin xeer ilaaliyadda Marianne Nys.

Si kasta ay maxkamadda Belmarsh ee magaaladda London go'aan u gaartay waxaana suurtagl ah in racfaan laga qaato. Waxaana sidaasi xaqiijiyey garsoore Howard Riddle markii ay dhamaatay dhageysigga dacwada ee sadexda maalmood maxkamaddu ka socotay labbo toddobaad ka hor.

Qareenka difaacaya Julian Assange Geoffrey Robertson ayaa cadeeyey in wakiilkiisa  Julian qarka u saaran yahay inaanu ka helin Sweden tijaabo cadaaladeed ee uu doonayp, luguna sameeyo cadaadis siyaasadeed islamarkaasina loo gudbiyo dowlada Mareykanka, halkaasoo ay dhici karto in xukun dil ah lugu fuliyo. Waxaa uu shaki geliyey Marianne Nys oo ah xeer ilaaliyadda reer Sweden ah oo dacwadan ku soo oogtay Assange, iyo sidey wax uga qabatay tuhunka ah inuu cid kufsi u geystay.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".