Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Carruuraha keli socodka iyo degmooyinka

Publicerat torsdag 24 februari 2011 kl 14.17

Carruuraha ama dhalaanka keli socodka ah ee yimaada dalkan Sweden ayaa laanta socdaalka bilaabeysa iney tijaabiso siddii ay carruurahaasi u heli lahaayeen xaquuqooda magangalyo doonimo marka ay toos u yimaadaan dalkaan.

Tani macnaheeda waxey tahay in degmooyinka ku yaala Malmö, Mölndal, Sigtuna iyo Solna ay la wareegi doonaan carruuro ka badan intii hore.
Wasiirka socdaalka wadankan Sweden Tobias Billström waxa uu sheegay inuu magacaabay baaritaan lugu sameeyo siddii degmooyinkaasi loogu qasbi lahaa siddii ay carruurahaasi keli socdka ah u qaabili lahaayeen. Balse Agaasimaha guud ee laanta socdaalka Dan Eliassson waxaa uu sheegay ineysan jirin waqti la sugo natiijadda ka soo baxda baaritaanka la sameynayo ee ay jiraan carruuro badan oo haatan boos sugayeyaal ah. Waxaanu ogsoon yahay wasiirku in imaantinka degmooyinka carruurahaasi ay dhici karto ineysan jeclaan culeyska shaqo ee ku kordhaya. "Waxaa ay dareemi doonaan cadaadis iyo iney mas’uuliyad aysan codsan qaadayaan. Balse haddii aan kala doorano carruuraha xaquuqdooda iyo xaaladda culus ee degmooyinka, dabcan waxaanu dooraneyna xaquuqda carruurta markasta” ayuu yiri wasiirka oo tilmaamay inaan kala doorasho lugu sameyn karrin xaquuqda carruuraha ee u baahan dhowrista iyo cadaadiska shaqo ee ay maamulka degmooyinka ka cabanayaan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".