Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Volvo oo soo bandhigeysa qorshaheeda

Publicerat fredag 25 februari 2011 kl 09.12
Shirkada Volvo oo soo bandhigtay qorshaheeda wax soo saar

Warshada soo saarta gawaairadda ee Volvo, gaar ahaan qeybteeda gawaaridda yar yar ee faraceeda ku yaala shiinaha ayaa soo bandhigay qorshahooda mustqabalka ee soo saarita gawaaridda.

Volvo ayaa ka dhiseysa warshad cusub Chengdu oo ku taala koonfur galbeed ee dalkaasi. Waxaa lugu wadaa hadaba in Shiinaha uu soo saaro in ka badan 100.000 gawaari sanadiiba tan iyo inta laga gaarayo sanadka 2013-ka.

Shirkada shiineeska ee Geely la yiraahdo ayaa haatan sameyneysa baaritaan suuragal ka dhigaya siddii loo dhisi lahaa warshad labaad oo laga dhiso deegaanka Daqin oo ku taala dhanka waqooyi ee shiinaha. Halkaasoo la doonayo in warashadu soo saarto 200.000  oo gawaari ah sanadkiiba tan iyo inta laga gaarayo sanadka 2015-ka.

Madaxa shirkada Volvo Stefan Joby, waxaa uu ku xisaabtamaya in 10 ilaa 15% laga soo saaro shiinaha, taasi oo ah mid ka raqiisan dalkan Sweden. Muxuu hadaba ka yiri, dadka shaqaalaha ah ee wel welka ka heysta in shirkadda Volvo ay shaqada ka eriso, waxaa uu isagoo balan qaadaya yiri:

”Waxaan si daacadnimo lehi u balan qaadaya ineysan jirin wax wel wel ah in shaqada laga waayo Göteborg, bilcakis” Balse waxaa uu sheegay in shirkadaha iswiidhish-ka ah ee wax dhoofiya ay diyaar u ahaadaan baratanka suuqa caalamiga ah.

 

 

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".