Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
"humanitär" militär intervention i Libyen.

Liibiya iyo faragelinta bani'aadamnimo

Publicerat fredag 25 februari 2011 kl 14.24
Liibya ma u baahan tahay faragelin bani'aadnimo

”Dabcan waa muhiim in Qaramada Midoobey ay daraasad ku sameyso su’aasha ah xaaladda bani’aadnimo haddii faragelin meleteri  ka timaado.” Sidaas waxaa qaba madaxii hore ee dacwada danjre Hans Corell, kadib wararkii iska soo daba dhacayey ee ku saabsana tacayadda ka dhanka ah shacabka dalkaasi oo ay ku kacayaan xukuumadda Liibiya.

”Hubaalna waxaa ah in la isweydiiyo su’aalo badan haddii ay timaado weerarar iyo sida ay u adkeyneyso xaaladda.” sii yiri markale Corell, balse waxaa uu is tusay iney jiraan daliilo cad oo wanaagsan lana xirriirta faragelinta bani’aadnimo. 
 "Waa su’aal adag, balse fahankani  wuxuu ahaa qaraar ka yimid gollaha loo dhahan yahay, waana mid ay Qaramada Midoobey waana mid ay wax ka qabaneyso, xaaladba xaalad haddii dowladdu aysan badbaadin karrin dadkeeda oo ay kula kaceyso falal gabood fal ah iyo dembiyo dagaal, iyadoo la tir tirayo qowmiyad kana dhan baniaadnimadda. Markaana waxaa iska cad in Khadaafi lugu tuhmayo dembi dagaal”  Hans Correll ayaa hadaba hadalkan sheegay mar uu wareysi siiyey idaacadda wararka faafisa ee Ekot.

 Dhinaca kale dowladda Sweden maxey iska weydiisay faragelinta bani’aadnimo ee libiya, waxaa arrintan  si taxadar ah uga jawaabaya wasiirka arrimaha dibadda Sweden Carld Bildt. Isagoona sheegay in dowladiisa ay arrimo kale ahmiyad siineyso.

”Waxaan aaminsanahay Qaramada Midoobey horeyna waan u iri. Waxaana qabaa iney taasi u sameeyey si alaabaddu u  xiran yihiin. Mana u maleynayyo iney dadkeena  weli ku sugan halkaas iney wax  u taresyo, waxa haboon in la qabto iyo in kale.” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in muwaadiniinta ku sugan gudaha dalka Liibiya aysan wax u soo kordhineyn waxa haboon in laga qabto xaalka dalkaasi, dowladdiisana ay arrimo kale siineyso ahmiyad. Waxaa wasiirka la weydiiyey inuu ula jeedo howlgal soo socda iyo inkale, wuxuu yiri isagoo taa ka jawaabaya.

” Waxaan ula jeeda howl iman kara. Balse mandat-ka Qaramada Midoobey ama nooc kale oo mandeyd ah. Xaalka halkaasina waa ahmiyada ah 1, 2, 3 oo ah siddii looga soo saari lahaa muwaadiniinteena, mana aaminsani doodaha furan iney wax u tareyso.” Wareysigan ayuu hadaba wasiirku waxa uu siiyey qeybta wararka Aktuel-ka ee telefeyshinka Sweden.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".