Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Beelaruus oo hub ka iibisay Liibiya

Publicerat tisdag 1 mars 2011 kl 12.01
Beelaruus oo la sheegay iney hub ka iibisay Liibiya

Toddobaadyaddii ugu dambeeyey ayaa hub tirro badan waxaa loo daabulay dalkaasi Liibiya. Sidaasi waxaa sheegay cilmi baare ka tirsan machadka  daraasadda nabada ee Stockholm oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano SIPRI. Machadkan ayaa sheegay iney xisaabta ku jirto 40 tan oo hub oo loo diray. Waa kan hugh Griffithis oo ah cilmi baare ka tirsan machadkaasi.

“Midaanu ognahay waxaa weeye toddobaadkii ugu dambeeyey in Khadaafi diyaaradihiisa ay labo duulimaadyo ay iskaga kala goosheen Beelaruus iyo Liibiya”.
Machadkan ayaa sheegay iyagoo ka mahadcelinaya ilo wargaleeyadda ka tirsan Qaramada Midoobey, Eu-da iyo gaanshaan-buurta Nato ay suurtagal u noqotay iney ilaalo ka hayaan  gaadiidka hub dhoofinta dhexmartay Liibiya iyo Beelaruus toddobaadyaddii ugu dambeeyey. Tanooo ay aheyd mid uun maalmo ka horeysay markii gollahu isku raacay in cunno qabateyn lugu soo rogo dalkaasi. Arrintani  ayaa waxey tahay mid uu ku doodayo Griffthis. Waxaana uu sheegay inuu aaminsan yahay in Beelaruus ay magangalyo siyaasadeed siin doonto hogaamiyaha liibiya ee haatan cadaadis badan uga imanayo beesha caalamka.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".