Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Warbixin ku saabsan xukunkii argagaxisanimada ee dhacay

Uppdaterat onsdag 2 mars 2011 kl 16.15
Publicerat onsdag 2 mars 2011 kl 09.48
Go'aan laga gaaray dhalinyarro soomaaliyeed oo argagaxisanimo lugu soo eedeeyey

Gelinkii hore ee maanta ayaa labadii dhalinyarro ee soomaalida Sweden ahaa ee loo heystay iney xirriir la lahaayeen kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha wadanka Soomaaliya ayey maxkamada racfaanka magaaladda Göteborg shaaca ka qaatay ineysan laheyn wax dembi ah habayaraatee oo la xirriira eedeymahaasi.

Maxakamada racfaanka ee galbeedka Sweden ayaa u aragta cadeymaha ay soo bandhigtay xeer ilaaliyaha dacwadan soo oogtay ineysan heyn cadeyn xoojinaya hadalkeeda in wiilashaasi oo kaashanaya Alshabaab ay isku dayi lahaayeen iney sameeyaan falal argagaxiso. Islamarkaasina aysan jirin cadeyn ku filan oo falal argagaxiso loogu shaabadeyn karro.

Maxkamada racfaanka magaaladda Göteborg ayaan gees ka eeggin dhanka sharci waafaqsanaanta dadweynaha kiiskan. Iyadoo Alshaab lugu tilmaami karro iney yihiin koox ka dhinac dagaalanta goob xiisad ka taagan tahay iyo in kale.

Cadeymaha ay xeer ilaaliyaha soo bandhigtay ayaa ka koobnaa taleefano ay dhageysteen sirdoonka booliska xagga amniga u qaabilsan ee Säpo, guryaha oo loogu dhacay iyo si guud oo loo baaray.

Balse farqiga u dhaxeeya maxkamada, ayaa sida ay runsan yihiin sharci yaqaanadda iyo garsooreyaasha maxkamada racfaanka ahaa ahaa in xeer ilaaliyaha Agneta Hilding cadeeynteeda aysan aheyn mid ku fillan xukun dembi, islamarkaasina lugu waayey wax dembi ah.

 "Tani waa cadeynta lugu ridayo qof masuul ka ah dembi. Maxkamaduna qiimeyn kale ayey sameysay, waxaana ay heshay cadeyn muujineysa iney tahay mid ku filan. Mana jirto wax kale oo aan iraahdo aan ka aheyn in maalin walba la runsan yahay iney dhacaan dembi la maleynayo.Taa weeye mida ah haddii la soo arruurinayo cadeyn si ay u xoojiso dembi eedeynta ah.”  sidaa waxaa tiri Agneta Hilding Qvarnström oo ah xeer ilaaliyaha dacda ka dhanka ah wiilashaasi soomaalida soo gudbisay.

Tomas Olsson waa mid kamid ah difaacayaasha u doodaya wiilashaasi wuxuu sheegay in xeer ilaaliyaddu cadeymaheeda ay ahaayeen kuwo daciif ah oo aan kaamilneyn.

”Iminka waxaa waqti dheer ilaalo laga hayey, daraasadna lugu sameeyey dad tiro badan. Waxaa la adeegsaday dhaqaale badan si la iskugu dayo in wiilashaasi lugu xirro dembi argagaxiso. Taasoo aan lugu guuleysan in la soo bandhigo, iney lahaayeen ujeedo ama ay ku fekerayeen siddii ay u geysan lahaayeen falal argagaxiso.” 

Kiiskana ayaa wuxuu ahaa mid ay garsooreyaasha maxkamada racfaanka xukunkeeda ku mideysnaayeen.

Dhalinyarrdan ee soomaalida ah ayaa lugu soo eedeyeye iney xirriir la lahaayeen kooxaha Alshabaab ee ka dagaalanta gudaha wadanka Soomaaliya. Horaantii bishii febraayo ee ina dhaaftay ayey maxkamada racfaanka ee gobolka Göteborg oodda ka qaaday wiilashaasi , kadib markii xeer ilaaliyaha dacwadeede u muuqatay mid daciif ah.

Bishii oktoobar ee sanadkii hore ayaa lugu xukumay afar sano oo xarrig ah, waxaana ay ka qaateen racfaan keentay in oodda laga qaado sagaal bilood kadib.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".