Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Siyaasadda muhaajiriinta oo wax laga badalayo

Publicerat torsdag 3 mars 2011 kl 13.50
Xisbigga deegaanka iyo dowlada oo heshiis ka gaaray siyaasadda muhaajiriinta

Dowlada oo kaashaneysa xisbiga deegaanka ee Miljöpartiet-ka ayey gaareen go’aan wadajir ah oo la xiriir siyaasadda muhaarijiinta. Inkastoo qaanuunka u degsan mujaarinta uu yahay mid taagan, hadana waxaa jira waxyaabo adkeynaya xaquuqda caafimaad ee ay leeyihiin dadka aan heysan waxa aqoonsiga ah ee dhuumaaleysanaya iyo in loo fududeeyo dadka doonaya iney qaraabadooda keensadaan.

”Heshiiskan ayaa dhigaya aragti dheer oo aadminimada ah iyo xaquuq damaano qaadis ay sameyso siyaasadda muhaajirinta”, sidaasi waxaa yiri ra’iisalwasaaraha dalkan Fredrik Reinfeldt xilli ay wada jir u soo saareen heshiiskan ay isku af garteen ergada xisbiyada siyaasadda wadanka iyo xoghayeyaasha xisbiga Deeganka ee Maria Wetterstrand iyo Mikaela Waltersson. Ra’iisal wasaarahana waxa uu heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi.

Wadadan doorashada ahi waa mid xambaarsan tub ku saleysan  damaano qaadiska xaquuqda bani’aadnim ee u abuureysa isku dubaridnaan. Waa wado albaabada ka soo xireysa  awooda kooxaha xag jirka ah ee wadanka kajira  iyo baarlamaanka ee keeneysa iney saameyn ku yeeshaan mowduucan. Waana mida ah aan u calaamadeynay inaannu albaaabada ka soo xirno.”

Xisbiga deegaan ayaa wadahal la galay dowlada waxaana uu doonayey in la qafiifiyo sharuuda isku keenista ehelada kala maqan, si hakad loo geliyo si guud ahaaneed.

Mekaela Valtersson waa xubin ka tirsan xisbiga deegaanka waxey kamid aheyd dhinacyada siyaasadda ee dowlada heshiiskan wax laga badalayo siayasadda muhiijiriinta  la gashay. Waxey xustay in arrimaha la isku raacay ee dib u habeynta lugu sameynayo ay kamid yihiin in la abuuro qeyb afaraad oo maxakmada socdaalka ah si ay dib u habeyn ugu sameyso xilli sugidda, tayada qofka gacanta ku haya carruuraha keli socdaka ah ee loo yaqaano Godman iyo tarjumaanka.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".