Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sweden oon dooneyn iney baarto markabka quusa ee laga helay Gotland

Publicerat torsdag 3 mars 2011 kl 14.29
Gaashaandhiga Sweden oo aan xiiso ku heyn in la baaro markab quusa oo laga helay xeebaha Gotland

Gunta hoose ee biyaha xeebaha Gotland ayaa laga helay markab quusa oo aanan la garaneyn cida leh. Waxaa markabkani yaalay meel ka baxsan biyaha xadka Sweden. Markabkan oo bidhaantiisa la arkay markii ugu horeeysay sanadkii 2009-ka, ayaa waxa lama filaanka aheyd in loogu yeero ”Markabka wiskiga ee quusa". Waxa uu ahaa mid jiray sanadihii 1950-meeyadii oo ay ruushanku isticmaali jireen. Wasaaradda gaashandhiga Sweden ma ahan mid ay xiiso u qabto iney wax badan ka ogaato.

Bo Rask oo ah madax sare oo ka tirsan saraakiisha ciidanka badda waxa uu sheegay in sawirada markabkaasi laga qaaday aysan muujineyn in wax hub uu badda hoosteeda ula quusay.

Lama uusan quusan markabka wax hub ah, waana mid u baahan in la xaqiijyo. Sawiradana ma ay muujinayaan asataamo sidaas ah”.  
Laakin fikir taas ka duwan waxaa qaba qaar ka tirsan taliyeyaasha ciidanka abnaandulaha waxaa kamid ah Bengt Guftasson oo ah abaanduule ciidan oo hore. Waxa uu sheegay in markabkani ka marin habaabay markii la jiidi lahaa. Wuxuu tibaaxay iney jireen markabkiib quustay oo dhaawacyo ay soo gaareen sanadihii 1980-meeyaddii kadib markii ay ku soo laa laabteen biyaha badda dhowr jeer tan iyo 1990-meeyaddi.  Swedena ay ka dhigtay waxaan jirin oo burburay. Laakin  codsaday in si tartiib ah  loo eeggo.

Dhinaca kalena gudoomiyaha waaxda difaaca ee xisbigga sooshaal demoqraat-ka  Håkan Juholt iyo afhayeenka xisbiga shacabka ee folkpartiet-ka  Allan Widman, waxaa ay qabaan in si taxadar leh loo baaro markabkaasi.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".