Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Iskuulada Rosengråd oo ay ka jiraan cabasho xagga waxbarashada ah

Publicerat måndag 7 mars 2011 kl 16.48
Cabasho ka jirto iskuuladda Rosengård ee gobolka Malmö

Iskuuladda  digsiyada hoose ee ku yaala xaafadda Rosengård ee gobolka Malmö ayaa ka soo yeeraya cabasho xagga waxbarashada la xirriira. Ardeyda ayaa la sheega ineysan waxbarashada ay xaqa u leeyihiin. Iskuuladda gaarka loo leeyahay ayaa iyagana waxaa ka jira macalimiin aqoon dheeraad leh iyo tarbiyada carruurta, balse aaney kuwo ku filan.

Goobaha fritidshem-ka loo yaqaano ayaa iyagana waxaa laga soo sheegaya walaac ka jira. Gudiga dabagalka iskuuladda ee Skolinspektion ayaa warbixin ay amuurtani ku xusan tahay u gudbiyey siyaasadda mas'uulka ka ah gobolka.

Cecilia Rösténius  waxaa ay ka tirsan tahay gudigaasi dabagalka iskuuladda, waxaa ay sheegtay in dhibaatooyinkaasi muuqda ee ka jira iskuuladda hoose ay ugu wacan tahay ardeyda oo uga taga iskuulka dugsiga dhexe iyagoon heysan aqoon buuxda oo ku filan.

Sanadkii ina dhaafay sadex meel qeyb kamid ah ayaa ardeyda dhigatada dugsiyada hoose ee xaafadda Rosenård ka gaareen waxbarashada heerkii la doonayey dhamaan maadooynkii laga rabay. Taasi macnaheeda waxaa weeye in in in ka badan 7 tobankii ardey ay ku socdaan wado aanan la ogeyn heerkeeda waxbasharasho.

Iska warka:  Skolinspektionen

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".