Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Digniin Muhiim ah : Warshad ku gubatey Örnsköldsvik ayaa qiic badani ka baxayaa ee dadka aagaas daganow ka taxadara.

Maalinta haweenka ee 8-da maarso

Publicerat tisdag 8 mars 2011 kl 11.08
Haweenka soomaalida Göteborg oo u dabaal dagayey maalinta haweenka ee 8-da maarso. Foto. Ikraam Hassan

Maanta oo kale sanad walba oo ay bishu tahay 8, waxaa haweenka dunida ku dhaqani ay u dabaal dagaan maalin u qaas ah.  Dar-dar gelinta howshani ee dalkaan Sweden, waxaa ay bilaabatay sanadkii 1910-kii, kadib markii shir lugu qabtay magaaladda Kobenhagen ee dalkaasi Denmark loogaaga arrinsaday.

Sanadku markuu ahaa 1912-kii ayaa laga bilaabay dalkaan Sweden u dabaal dega maalintaasi aadka qiimaha u leh ee h8-da maarso. Sanado badan ayey dib u dhac ku yimaadeen weyneynta maalinta 8-da maarso ee dalkan Sweden, balse iftiinkeeda waxaa uu soo bidhaamay 1969-kii, kadib markii dhaq dhaqaayo arday ay ka bilaabmeen dalka Mareykanka.

Sanadku markuu ahaa 1978-dii ayey Qaramadda Midoobey iclaamisay iney 8 maarso tahay maalin caalami ah. Wixii waqtigaa ka dambeeyeyna waxaa ay haweenka dunida u dabaal dagayeen sanad walba maanta oo kale oo ah 8da maarso.

Haweenka Soomaaliyeedna waxaa ay kamid yihiin haweenka dunida ee maalintaasi si gaar ah ugu dabaal dagi jiray. Xukummadihii dalka soomarayna waxaa ay maalintaasi u sameyn jireen munaasbaddo lugu weynayo.  

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".