Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Gaashaandhiga Sweden oo shaqaaleyneysa askar ajaanibta ah

Publicerat onsdag 9 mars 2011 kl 11.17
Gaashaandhiga Sweden oo askarta ajaanibta ah qoraneysa

Wasaaradda gaashaandhiga ayaa dooneysa iney shaqaaleyso askarta asal ahaan ajaanibta ah. Ujeeda ugu weyn ee arrintan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa tayada aqooneed ee xagga dhaqanka iyo luqadaha ah ee askarta iswiidhish-ka ee asalkoodu yahay ajaanibta. Sidaana waxaa sheegtay idaacadda Sweden ee SR Norrbotten.

" Waxaanu horyaalo arrimo howlo ah halka aan kaga suganahay adduunyadda, halkaasoo misna aan la kulano dhaqano kale. Waana inaanu helno aqoon la xirriira dadka aynna noo fududeyso howsheena" Sidaas waxaa  yiri Fredrik Svahn oo ah madaxa iibgeynta gaashaandhiga Sweden. 

Maanta qiyaastii 4% shaqaalaha ka tirsan gaashaandhiga asal ahaan waxaa ay ka soo jeedaan dalal kale aanan aheyn dalkaan. Marka la bar bar dhigo 19% cadadka dadka reer Sweden. Si taas wax  looga badalo waxey gaashaandhigga sameyneysaa kaambeyn ah iibinta shaqaale shiesheeye iyo kaambeyn warbixintaa soo ka keena xog sugan. Halkaasoo mid kamid ah luqada la rabo in la adeegsaddo ay tahay luqada loogaga hadlo dalka Afgaanistaan

Isha warka:SR Norrbotten

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".