Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

"Jihad Jamie" oo qiratay iney u hanjabtay Lars Vilks

La daabacay onsdag 9 mars 2011 kl 11.59
Jihad Jamie oo qiratay iney hanjabaado u dirtay farshaxaniistaha Lars Vilks

Qof keliya ma aha dadka hanjabahaada sida is daba jooga ah ugu diray farshaxaniistaha Lars Vils oo hore sawiro uu ku aflagaadeynayo Nabi Muxamed NNKH sawiray, ayaa waxaa soo baxaya dadyow kale oo iyagana la sheegayo iney hanjabaado ay u gesyteen ninkaasi. Waxaa kamid ah gabadha ameerikaanka ah ee la yiraaho "Jihad Jamie" oo qiratay iney u hanjabaado u dirtay ninkaasi, gabadhaasi  kal hore loo heystay ku lug lahaanshaha  arrimahan.

Wargeyska Svenska Dagbladet ayaa amuurtan qoray. Gabadhan ayaa magaceeda saxda ahi waxa uu yahay Jamie paulin, waxaa qarka ay saaran tahay in lugu xukumo 15 sanno oo xarig ah, islamarkaasina ay siiso lacag dhan rubuc malyan doolar oo magdhow ah. Sidaas waxaa qaba maxkamada Philadelphia ee dalakasi Mareykanka.  waxaaa gabadhani loo heysta dembiyo ah falal argagaxiso oo ay dooneysay iney maleegto, tabarro meleterina ku soo qaadatay xarrumo ku yaala koonta Aasiya, kadibna socodaalo ku marray dalal ku yaala Yurub, iyadoo dadyow ay la kulantay ku qancisay iney ka qeyb qaataan jihaadka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".