Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baaritaan lugu hayo madaxa dacwad baaraha kiisii Assange

Publicerat torsdag 10 mars 2011 kl 09.11
Julian Assange oo ah aasaasaha bogga caanka ah Wikileaks oo dacwadi weli ku socoto

Madaxa booliska ee dhageysanayey ama baaritaanka ku hayey kiiska dambiyo ee lugu soo oogay aasaasaha bogga internet-ka ee Wikilikes ee julian Asssange, ayaa lugu soo waramayaa iney  xirriir dhow iyo mid siyaasadeedba la laheyd mid kamid labadda dumar ee dacwada ku soo oogay Assange. Sidaa waxaa qoray wargeyska afka dheer ee Expressen.

Wargeyska ayaa sheegay in labadan dumar ah ee dacwada la xirriira isku day kufsi ku soo eedeyey ay aqoon ka dhaxeysay, waxaana ay xiiso iyo xamaasad u qabeen hal xisbi. Tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay dacwadaas ka dhanka ah Assange ay gudbiyeena, waxaa ka dhaxeeyey xirriir iyo salaan ay hawadda isku marinayeen aalladda internet-ka iyadoo si waadix ahna qoraaladoodu ahaayeen kuwo aan qarsooneyn.

Sida wargeysku ku waramaya ayaa madaxa dhageysi kaaska Assange oo qeyb ka aheyd baaritaanka eedeymaha loo heysto, ayaa hadana boggeeda facebook ee internet-ka waxaa ay ku qortay faallooyin ka dhan ah Assange. Bishii febraayo ayey qortay fariin gaaban oo ay ugu magac dartay ” Ka bad badintii qarax ee Assange”

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".