Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Doorashada hogaamiyaha cusub ee sooshaalka oo weli socota

Publicerat torsdag 10 mars 2011 kl 13.16
Håkan Juholt oo loo doonayo in loo caleemo saaro hogaamiyaha xisbiga sooshaalka demoqraat-ka

U caleemo saaritsta hogaamiye cusub oo uu yeesho xisbiga sooshaal demqoraat-ka ayaa weli  si habsami leh uga soctaa kulan ay maanta leeyihiin xubnaha xisbigaasi. Waxaana xubnahu ay doonayaan oo farta ku fiiqayaan inuu noqdo hogaamiyaha xisbiga Håkan Juholt, halka iyadana la leeyahay haloo magacaabo Carin Jämtin xoghahaya xisbiga. Iminkana waxaa la filayaa in 26-ka farac ee taageera xisbiga sooshaal demoqraat-ku ay aqbalaa.

Waa kuma hadaba Håkan Juholt. Waa nin 48 jir ah kana soo jeeda deeganada Oskarhamn ee gobolka Småland. Waxaa uu ahaa sawirqaade iyo saxafi ka tirsanaan jiray wargeyska östra Småland.

Xilligii qaboobaha ee sanadkii 2009-ka ayaa loo doortay xubnaha xisbiga ee gobolkaasi. Wuxuu sidoo kale kal hore ahaa ku xigeenka xoghayaha. Mana laha aqoon qibradeed oo xagga wasiirnimada ah.

Taageero aadu badana waxaa uu helay markii uu noqday xubin ka tirsan xubnaha xisbiga ee deeganadda Småland oo ku biira urrurka dhalinyarada  taageera sooshaalka  SSU ee soo jeediyey hindisaha ah in guud ahaan xubnaha xisbiga sooshaal demqoraat-ku oo ay ku jirto hogaamiyaha haatan xilka wareejineysa ee Mona Sahlin iney boosaska u baneeyaan hogaan cusub, kadib guul darraddii xisbiga soo wajahday doorashaddii sanadkii hore dalkaan ka dhacday. Wuxuu caan ku ahaa inuu u muuqday ninka ugu culus ee arrimaha siyaasadda difaaca, sanadihii 2000- ilaa 2007..

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".