Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tirada Soogalootiga ee Dalka ka Socdaalay

Publicerat fredag 15 april 2011 kl 11.07
SCB. Sawirle: Conny Sillé/Scanpix.

Soo-galootiga oo Tiradiisu Hoos u Dhacday, sida ay xaqiijisay hayadda tirakoobka ee SCB.

Tirada soo galootiga ee dalkan u soo socdaalay sannadkii ina dhaafay ee 2010 ayaa hoos u dhacday, halka kuwa dalka ka guuraana kor u kaceen sida ku cad tira-koob ay soo saartay hayadda tira-koobka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano SCB.

Sannadkii tagay 2010 ayey Iswiidhen u soo haajireen ajnabi tiradoodu gaarsiisan yihiin 99 kun oo ruux, halka ey 49 kun-na dalka isaga baqooleen.

Hayadda SCB ayaa saadaalineeysa in toban sannadood dabadeed ay tirada bulshada Iswiidhen gaari doonto 10 malyuun oo ruux, iyadoo welibana 19% ka mid ahina ee dayoowga da’da shaqada 25-64 noqon doonaan kuwo dalka dibaddiisa ku dhashay.

Halka 20 sannadood dabadeed sannadka 2030 ay tiradaasi noqon doonto afar meeloodow meel.

Isha: SCB

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".