Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Diiwaangelinta Rakaabka Dayuurradaha

Publicerat fredag 15 april 2011 kl 17.25
Foto: Alastair Grant/Scanpix

Bulshada ku dhaqan waddammada EU-da ayuu maamulka ururku go’aan maanta ka gaaray fikir la xiriira habka loo diiwaan-gelin doono kolka ey ka baxayaan ama soo gelayaan xuduudaha uu ururku leeyahay.

Hayadda kormeerka diiwaan-gelinta ee dalkan Iswiidhen iyo qaar ka mid ah dhigyadeeda ee waddammada xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub lana magac baxay kooxda qodobka 29-an ayaa suulka hoos ugu goday, fikir hoggaanka dhexe ee maamulka ururka EU-du heshiis ku gaaray habka lagu diiwaan-gelin doono rakaabka soo gala ama ka baxa waddammada xubnaha ka ah ururkooda, waxa lagu yiraahdo afka ingiriisiga PNR (Passenger Name Records – Diiwaan-gelinta magacyada rakaabka). Kooxda qodobka 29-aad ayaa qabta in marka hore qiimeeyn lagu sameeyo nidaamka iminkaba jira, inta aan lagu tallaabsan is-bedel sidaa u ballaaran ee la isku diiwaan-gelinayo iyo inay jirto baahi middaa loo qabo. Iyadoonna war-bixinnada laga helo diiwaan-gelinta rakaabka loo adeegsan doono sidii loola dagaalami lahaa ”dembiyada waaweyn”. Hase yeeshee hayadda diiwaan-gelinta ee dalkan ayaa sheegtay in loo baahan yahay nooca dembiyada laga hadlayo kuwa ey yihiin.

Fikirka uu soo jeediyay maamulka sare ee hogaanka EU-da ayuu ku sheegay in muddo 30 maalmood dabadeed laga dhigo liiska magacyada mid qarsoodi ah. Dibna loofuri karo haddii loo baahdo dembi baaris shakhsi gaar ah ku wajahan.

Isha: Hayadda kormeerka diiwaan-gelinta

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".