Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Doorashadii Finland iyo xisbi qaxootiga ka soo horjeeda

Publicerat måndag 18 april 2011 kl 10.00
Doorashada Finland iyo soomaalida
(6:04 min)
Hogaamiyaha xisbiga Sannfinländar-ka Tomi Soini doorashadii dalkaas ka dhacdey ka dib.Foto: Martti Kainulainen/Scanpix.

Doorashadii maalintii axadda ka dhacdey dalka Finland ayaa waxaa guusha ugu weeyn ka soo hooyey xisbiga nationalistaha ah ee Sannfinländarna.

Xisbigaas ayaa kor u kacey qiyaastii ilaa 15 boqolkiiba kaas oo ka soo kacey boqolkiiba 4 oo uu heley doorashadii horee dhacdey sanadkii 2007-dii, doorashadii sanadkaana wuxuu heley ilaa 19 boqolkiiba.

Xisbigaani wuxuu si xoog leh uga soo horjeedaa siyaasadda ururka midoowga yurub, wuxuu kaloo cadaawad u hayaa qaxootiga iyo waliba isagoo ka soo horjeeda iskuulada dalkaas oo ay khasab in ardeydu dhigtaan luqadda Iswiidhishka.

Dhammaan xisbiyada kalee baarlamaanka dalka Finland ku jira ayaa taageerayaashoodu hoos u dhacdey.

Xisbiga taageerada ugu balaaran heley ayaa ah xisbiga garabka midig ee Samlingspartiet kaas oo heley qiyaastii boqolkiiba 20 ,booska labaadna waxaa galey xisbiga Sooshaldemoqoraati-ga kaas oo heley in wax yar ka badan boqolkiiba 19.

Sida caadada u ah dalka Finland waxaa dawladda cusub soo dhisaya xisbiga Samlingspartiet.

Hogaamiyayaasha xisbiyada dalkaan Iswiidhan ayaa badankoodu ka faaloodey natiijada doorasha ee dalka Finland , waxayna wax laga xumaado ku tilmaameen guusha uu doorashadii dalkaas ka dhacdey ka soo hooyey xisbiga Sannfinländarna.

Tusaale ahaan wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Carl Bildt ayaa aaladda Twitter-ka ku qorey in natiijada doorashada Finland tahay mid laga walwalo.

Hogaamiyaha xisbiga Sooshaldemoqoraati-ga Håkan Juholt ayaa isaguna muujiyey walwal midkaas oo kale la mid ah, wuxuuna u sheegey idaacadda wararka ee Ekot in xisbiga sannfinländar-ku ka macaashayo walwalka ay dadka mustaqbalka ka walwalsan yihiin.

Hogaamiyaha xisbiga Sverigedemokrati-ga Jimmy Åkesson ayaa isna faalo uu arrintaas ka qorey wuxuu ku muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in canbaareeynta ka dhanka ah qaxootiga faraha badan iyo waliba awooda uu ururka midoowga yurub ka xayuubsadey dalalka ururkaas xubnaha ka ah, ay heshey taageero sidaas u baaxad weeyn.

Dalka Finland ayaa waxaa ku nool soomaali badan , waxayna ka mid yihiin dad badan oo soogalooti ah oo laga yaabo in doorashadaasi raad ku yeelato.hadaba wariyeheena Keenadiid Maxamad ayaa khadka taleefoonka ku wareeystey gabar soomaaliyeed ,lagu magacaabo Xamda Cilmi oo ku nool caasumadda dalkaas ee Helisinki.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".