Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Johan af Donner oo shan sano lagu xukumey

Publicerat måndag 18 april 2011 kl 15.15
Johan af Donner oo la xukumey.

Madaxii horee hey'adda laanqeeyrta cas Johan af Donner ayaa maanta maxkamadda Svea hovrätt waxay ku xukuntey shan sonoo xarig ah.

Xukunka ninkaas lagu soo oogey ayaa waxaa xataa ku jira in uu ku kacey musuqmaasuq aad u balaaran , danbigaas oo ay maxkamad degmo markii hore ku weeydey.

Johan af Donner oo horey hey'adda laanqeeyrta cas u qaabilsanaa dhinaca warfaafinta iyo lacag uruurinta ,ayaa shaqadii laga eryey ka dib markii ay soo baxdey in uu hey'addaas ka dhacey lacag aad u farabadan.

Maxkamad degmo ayaa horey ugu xukuntey shan sanoo xarig ah ka dib markii loo cuskadey tuuganimo baahsan oo uu ku kacey maadaama uu 8 milyan oo karoon dhunsadey muddo 9 sanadood ah.

Ninkaan ayaa qirtey in uu lacagahaas u isticmaaley in uu qoyskiisa ugu raaxeeyo nolol xad dhaaf ah oo laga badbadiyey.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".