Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhan iyo basaasiin lagu sheegey safaaradda dalka Libya

Publicerat måndag 18 april 2011 kl 15.37
Safaaradda Libya oo laga taagey calanka mucaaradka rajiimka Qadaafi. Foto: Maja Suslin/Scanpix

Madaxa safaaradda dalka Libya ku leeyahay dalkaan Iswiidhan wuxuu u shaqeeyaa hey'adda sirdoonka dalkiisa oo ah mid aad loo baqo ,sidaasna waxaa wariyey barnaamijka wararka ee Rapport oo ka baxa idaacadda la iska arko ee SVT.

Xataa iyadoo laga digey khatarta uu ninkaani u leeyahay dadka Libiyaanka ah ee ku nool dalkaan Iswiidhan , ayeysan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan qaadin wax talaabo ah.

Laga soo bilaabo horaantii bishii maarso ayaa Abdulmagid Buzrigh oo ahaa madaxii hore ama siihayihii safaaradda Libya, wuxuu wasaaradda arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan ku wargaliyey in matalayo mucaaradka ku kacsan rajiimka Libya oo uusan mataleeyn "rajiimka danbiilaha ah " waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ninkaas ayaa sidoo kale raba in wasaaradda arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan ay masaafuriso laba nin oo ka tirsan diplomaasiyiinta safaaradda Libya, wuxuuna intaas ku darey in mid ah raggaasi khatar ku yahay dadka liibiyaanka ah ee ku nool dalkan Iswiidhan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".