Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Ardeyda jaamacadaha dalbatey iyo kuliyadaha ay ugu jecel yihiin

Publicerat tisdag 19 april 2011 kl 10.17
Machadka saree ganacsiga Stockholm oo noqdey kan ugu horeeya ee ay ardeydu sanadkaan dalbatey.

Kuliyadda dhaqaalaha ee machadka saree ganacsiga Stockholm ayaa noqotey meesha ugu horeeysa oo ay dabadeen ardeydii sanadkaan soo dalbatey waxbarashada heerka jaamici ee dalkaan,sida uu tirakoob cusubi muujisey.

Kuliyadda sharciyada ee jaamacadda Stockholm ayaa iyana kaalinta labaad ka gashey meelaha ay ardeydu soo codsadeen.

Kuliyadda caafimaadka ee machadka Karolinska ayaa kaalinta saddexaad ka gashey meelaha ay ardadu ugu jecel yihiin in ay galaan.

Habeenkii sabtidu soo galeeysey oo ay ku ekeeyd soo gudbinta codsiyada la xiriira waxbarashada heerka jaamici, ayaa waxaa machadyada sare soo dalbatey cadadkii ardo oo ugu badneeyd abid.

Qiyaastii 346 000 oo ardey ayaa dhanka aaladda Internet-ka ka soo codsatey waxbarashada heerka jaamici.

Sababta ay ardey badani u dalbadeen waxbarashada heerka jaamici ayaa loo aaneeynayaa in ay sabab u tahay caruurtii dhalatey biloowgii sagaashameeyadii iyo sidoo kale shaqa la'aanta oo ku badan dhallinyarada.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".