Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin lagu heley in uu 15 haween ah ku kufsadey magaalada Örebro

Publicerat tisdag 19 april 2011 kl 11.53
Masawir gacan ah oo laga qaadey ninka dumarka ku kufsadey degmada Örebro.

Nin 24 jir ah oo lagu soo oogey in 15 haween ah ku kufsadey magaalada Örebro ayaa la cadeeyey in uu galey fal danbiyeedyadaas ,sida ay go'aamisey maxkamadda degmada Örebro.

Maxkamadda ayaa sidoo go'aamisey in ninkaan oo lagu magacaabo Niklas Eliasson la geeyo maxkamadda soo baarta dadka qaba cudurada cilmi nafsiga, markaas ka dibna ay maxkamaddu go'aan xukunkiisa ka gaari doonto.

Haddii baaritaankaasi caddeeyn waayo in Eliasson qabo cuduro nafsaaniya, wuxuu khatar u yahay in lagu xukumo xarig ilaa 14 sanadood ah , ciqaabta intaas le'eg in lagu xukumana waxaa dalbadey xeer ilaaliyihii isaga ku mudacayey.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".