Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dad iska soo dhiibey in sharaf dhoowr lagu dilo oo sharciyada loo diidey

Publicerat tisdag 19 april 2011 kl 13.22
Mudaharaad ka dhan ah dil sharafeedkii waqti hore loo geeystey Fadime Sahindal. Foto: Janerik Henriksson / SCANPIX.

Laba ka mid ah saddexdii qof ee sheegtey in lagula kacey gacan ka hadal la xiriira sharaf dhoowrka, ayaa dalkaan looga diidey codsigoodii magangalyo doonka,sida uu muujiyey baaritaan ay sameeysey idaacadda la iska arko ee SVT.

Guud ahaan dadka noocaas ah ee soo dalbadey magangalyada ayaa dhammaa 158 qof ,waxaana sharciga dalkaan loo diidey 98 qof sida lagu sheegey barnaamijka wararka ee Rapport.

Mid ka mid ah dadkaas oo lagu magacaabo Pejam ayaa laga masaafurinayaa dalkaan Iswiidhan xataa ka dib markii aabeheed ku handadey in uu dilayo iyada iyo wiilkeeda labadaba iyo waliba iyadoo xataa hey'adda socdaalku aysan wax shaki ah ka qabin jiritaanka handadaadaas.

Hey'adda socdaalka ayaa sheegtey in maamulka Kurdigu dabooli karo baahida haweenkaas la masaafurinayo sida tusaale ahaan in ay qariyaan goobaha haweenkaas la dajinayo.

Go'aankaan ayaa waxaa gundhig u ahaa warbixin la soo saarey ka dib markii shaqaale ka socda hey'adda socdaalku booqdeen sanadkii 2009-kii dalalka Kurdistan, Libanon iyo Syrien.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".