Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Degmada Skellefteå oo uu gaarey cayayaankii Östersund

Uppdaterat tisdag 19 april 2011 kl 16.30
Publicerat tisdag 19 april 2011 kl 14.17
Foto Lasse Ahnell SR/Gotland

Dadweeyne gaaraya ilaa 1 500 qof oo ku nool degmada Skellefteå ayaa foom ay ka buuxsheen bog Internet-ka ah,waxay ku sheegeen in ay laga soo bilaabo 1-dii bishii april ay hayeen cuduro kala ah shuban ,caluul xanuun iyo Xumad.

Ilaa 21 qof ayaa ilaa shaley waxaa isbitaalka degmadaas loo dhigey calool xanuun.

Hadda ayaa waxaa laga sugayaa machadka ka hortagga cudurada faafa in ay sababta cuduradaas dhalisey ay tahay biyaha degmadaas iyo in kale.

Madaxa maamulka degmada Skellefteå Kristina Sundin Jonsson ayaa goor dhaweeyd sheegtey in natiijada baaritaankaasi uu imaan doono galinka danbee maanta.

Boqolaal qof oo ku nool degmada Skellefteå ayaa calool xanuun ku dhacey maalmihii u danbeeyey.

Rugaha caafimaadka ayaa ku hawlan laba qof oo laga heley cayayaanka loo yaqaano cryptosporidium kaas oo hadda ka hor asiibey Östersund.

Arrinta ugu xun oo laga baqayo ayaa ah iyadoo aysan biyaha laga cabaa Skellefteå ka badbaadin cayayaankaas loo yaqaano cryptosporidium.

Bishii november ee la soo dhaafey ayaa qeeyla dhaan laga soo saarey ka dib markii cayayaanla loo yaqaano

Cryptosporidium laga heley biyaha laga cabo degmada

Östersund, waxaana goobtaas ku xanuunsadey dad gaaraya ilaa 13 000 oo qof.

Ilaa 50 000 oo qof ayey sidoo kale ku khasabtey in ay iska karkariyaan biyaha ay cabayaan,kuwa ay cuntada ku karsanayaan iyo kuwa ay ku cadayanayaan intaba.

Maamulka degmada Östersund ayaa bishii febraayo ku dhawaaqey in biyaha degmadaas la nadiifiyey oo hadda la cabi karo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".