Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ribada: Saameeynta Dhaqaale ee Qooysaska

Publicerat onsdag 20 april 2011 kl 11.55
Koron-o gacan lagu hayo. Sawirle: Jessica Gow/Scanpix.

Sidii la filayay amaba la saadaalinayay ayuu bankiga qaranku kor u qaaday ribada lagu magacaabo reporänta, ahna midda ugu muhiimsan ee bankiga qaranku saameeynta ku leeyahay siyaasadda lacagta ee dalka.

Bankiga qaranka ayaa kor u qaaday 0,25 isagoona gaarsiiyay 1,75% dul-saarka lagu hago siyaasadda dhaqaalaha ee dul-saarka waxa lagu magacaabo reporänta.

Islamarkaana uu bankigu saadaalinayo in dulsaarkaasi gaari doono 2,5% saddexda bilood ee ugu horeeya ee sannadka foodda innagu soo haya ee 2012. Halka labada sannadood ee xigaana ey gaari doonaan 3,2 iyo 3,6%.

Bankiga qaranka ayaa saadaalinaya in dhaqaalaha dalkani kor u kaco sannadkan 4,6 boqolkii, halka sicir-bararkuna kor ugu kici doono sannadka 3,2 boqolkii, sannadka foodda innagu soo hayaana 2%, halkaana ku nagaan doono dhowr sannadood.

Baayacmushtarka dibadda loo iib-geeyo ayaa kor u kici doona iyo sidoo kale baayacmushtarka dalka gudihiisa.

Bankiga qaranka ayaa sidoo kale  ku tilmaamay xaaladda suuqa shaqadu inay noqon doonto mid ka sii wanaagsanaata halka ay iminka taagan tahay, taasina oo dhankeeda ka sababayneeysa in mushaarooyinku kor u kacaan. Sidaa daraadeed ayay lagama maarmaan u tahay in bankiga qarankuna dhabbada kor u qaadidda ribada ku sii tallaabsado. Dhammaan tallaabooyinkaasi waxey kor u qaadayaan ribada deeymaha guryaha la iibsado iyo baayacmushtarkaba.

Ribada dhaq-dhaqaaqda ee aan xakamaysnayn ayaa iminka la filayaa iney isku shareerto 4%.

Tusaale ahaan cid iminka lagu leeyahay deeyn guri ee gaarsiisan 2 malyuun ee koron ayay ribadan kor loo qaaday 0,25% uga dhigan tahay 400 oo dheeriya bishiiba.

Halka haddii ribada kor loo qaado 1% sannadkan aynu ku jirno uu macnaheedu yahay kharash dheeriya ee gaarsiisan 1 700 oo koron bishiiba.

Qooysaska ayaa iminka ey la soo gudboonaan doonaan kharash dheeriya, sida ay sheegtay Ingela Gabrielsson, ahna dhaqaale-yahanad ka howl-gasha bankiga Nordea.  

- Waxaa iminka la gaaray xilligii si aad ah looga fekeri lahaa xaaladda dhaqaale ee dadyoowga guryaha deeymaha ku qaatay. In la qorsheeyo saameeynta ay ribadan kor loo qaaday ku yeelan karto dhaqaalaha qooyska iyo suurtagalka dhaqaalaha lagu dhaq-dhaqaaqi karo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".