Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadkii macalinimada dalbanayey oo yaraadey

Publicerat onsdag 20 april 2011 kl 16.59

Waxaa aad hoos ugu dhacey dadka raba in ay mustaqbalka macalimiin noqdaan sidaasna waxaa lagu muujiyey warar hordhac ah oo uu barnaamijka wararka ee Aktuellt ka soo xigtey hey'adda dalkaan u qaabilsan waxbarashada tacliinta sare.

Guud ahaan dalkaan oo dhan ayaa waxaa ilaa iyo 2000 oo codsi qiyaastii hoos u dhacdey ardeyda machadyada saree dalkaan ka soo dalbatey xirfadda macallinimada oo ay ku jiraan macalimiinta dugsiyada xanaanada.

Tiradaas ayaa boqolkiiba 14 hoos uga dhacdey marka la barbardhigo tii sanadkii hore.

Goobaha ugu badan oo hoos u dhacaasi ka dhacey ayaa ah machadyada saree Skövde, Jönköping iyo Södertörn

Kuwaas oo hoos u dhacey boqolkiiba 55, 46 iyo 42 waa sida ay labadaas u kala horeeyaane.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".