Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Fikir Xeer oo La Dhaleeceeyey

Uppdaterat tisdag 26 april 2011 kl 15.30
Publicerat tisdag 26 april 2011 kl 12.24

Dhaleeceeyn ballaaran ayaa kaga timid hayadaha la tashiga ee fikirka la soo jeediyay ee la xiriira in la mamnuuco in ruux aan ogolaansho laga helin galmo lala yeesho.

Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka, hayadda maamulka maxkamadaha, maamulka ciidanka ammaanka iyo ururka isbahaysiga gar-yaqaannada ayaa dhammaantood suulka hoos ugu dhigay in fikirkaa la hir-geliyo, sida uu qoray war-geeyska maalinlaha ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno SVD.

Dembiga la hadal hayo ” galmo ku xad-gudub” ayaa la soo jeediyay fikir ah in ciddii gashaa lagu xukumo afar sannadood oo xarig ah iyada oo aannu dembigu ahayn kufsi iyo galmo khasab ah.

Hayadaha fikirkaa loo diray si ey uga soo talo-bixiyaan ayaa sheegay inay adag tahay dembiga in la sharraxo iyo in la hir-geliyo, maadaama si loo caddeeyo uu baaritaankiisu u baahan yahay in meel loogaga dhaco ruuxa dembiga laga galay qofnimadiisa.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".