Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Booqashada Putin ee Istockholm

Publicerat onsdag 27 april 2011 kl 09.29
Putin, madaxa dawladda Ruushka oo la kulmi doona boqorka iyo madaxa dawladda ee Iswiidhen. Sawirle AP Photo/RIA Novosti, Alexei Druzhinin, Pool

Madaxa dawladda Ruushka Vladimir Putin oo booqasho ku yimid caasimadda dalkan Iswiidhen ayaa maanta la kulmi doona boqorka dalkan Iswiidhen Boqor Carl Gustav-kii XVI-aad iyo dhiggiisa Fredrik Reinfeldt.

Booqashadan ayaa ah middii ugu horreeysay wixii ka dambeeyay sannadkii 2001, xilligaasina oo uu booqasho dalkan ku yimid isaga oo ahaa madaxweeynaha dalka Ruushka. Labada madax dawladeed Putin iyo Reinfeldt waxay ka wada xaajoon doonaan arrimmo ey ka mid yihiin wada-shaqeeynta labada dal ee cirifka Arktis-ka, badda dhacda waqooyiga labada dal iyo baahida maamulka ruushku u qabo sidii bulshada Ruushka loo casriyayn lahaa.
Shirkadda Ericsson, ayaa dhankeeda la filayaa inay saxiixdo heshiis la xiriira in duleedka magaalada Moosko laga furo xarun cilmi-baaris.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".