Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Maanta: Iyo xaaladda Saab

Uppdaterat onsdag 27 april 2011 kl 13.30
Publicerat onsdag 27 april 2011 kl 13.01
Maanta: iyo xaaladda Saab
(1:35 min)

Hogaanka shirkadda gawaarida ee Saab iyo af-hayeen u hadlayay ra’sumaale Vladimir Antonov ayaa sheegey in iminka shirkado gawaarida ee dalka shiirnaha laga leeyahay ey dhaqaale la soo gaari karaan sidii shirkadda saab mustaqbalka dhow loo xalin lahaa xaaladdeeda dhaqaale.

Madaxa laanta wararka ee shirkadda Saab Eric Geers ayaa u caddeeyay idaacadda Ekot in shirkadda Saab ay wada-hadallo kula jirto maal-geliyeyaal shiinees ah.  Iyadoo aan la xaqiijin tirada shirkada uu hoggaanka Saab waanwaanta kula jiro iyo cidda ey yihiin. Hase yeeshee uu sheegay af-hayeenku in horumar laga gaaray wadahaddalladaa, uuna dhow yahay xal middaa laga gaaro.

Lars Carlström, oo u hadlayay Vladimir Antonov ayaa qaba in shirkadda Saab ay mustaqbalka dhow xal ka heli karto dhanka Shiinaha. 

- Xalka iminka ay shirkadda Saab caqabadaheeda dhow lagu xalin karo kam amid aha Antonov, middaa hab kale ayaa lagu xaliyay. Mana ahan mid aan wax ka oran karo, sida uu sheegay Lars Carlström, af-hayeen Vladimir Antonov ee dalkan Iswiidhen, mar uu u warramayay idaacadda ekot.

Shalay Ayuu Antonov ey kulan wada qaateen Bo Lundgren, madaxa hayadda maamulka qasnadda dawladda, inkastoo aan la shaacin waxyaabihii kulankaasi looga wada hadlay.

Maanta ayey shaqaalihii warshadda Saab ee Trollhättan dib ugu soo laabteen shaqaalihii warshaddu, hase yeeshee aaney gawaari soo saari doonin balse ku howlanaan doonaan oo keliya nadaafadda. Shaqaalahaasina waxay muddo saddex toddobaad ah ku sugnaayeen guryahooda iyaga oo mushaarkoodiina u socday.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".