Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hey'adda mas'uulka ka ah khasnadda dawladda iyo iibinta Saab

Publicerat torsdag 28 april 2011 kl 16.43
Maareeyaha hey'adda mas'uulka ka ah khasnadda dawladda Bo Lundgren.

Ka dib markii baaritaan lagu sameeyey Vladimir Antonov oo ah ganacsade ruush ah ayey hey'adda mas'uulka ka ah khasnadda dawladdu waxay sheegtey in aysan jirin wax habayaraatee hakin kara in ganacsadahaas ruushka ahi qeeyn ahaan iibsado shirkadda Saab ee baabuurta sameeysa, sidaasna waxaa shir jaraa'id ku sheegey Bo Lundgren oo ah maareeyaha hey'adda mas'uulka ka ah khasnadda dawladda.

Vladimir Antonov ayaa maalintii talaadada dhoowr saacadood la kulmey hey'adda mas'uulka ka ah khasnadda dawladda halkaas oo su'aalo looga weeydiiyey rabitaankiisa la xiriira in uu gato qeeyb ka mid ah shirkadda Saab.

Hey'adda mas'uulka ka ah khasnadda dawladda ayaa hadda go'aankeedaas u gudbin doonta dawladda si ay iyaduna dhankaas go'aan uga gaarto.

Markaas ka dib ayaa sidoo kale waxaa ogolaasho laga rabaa in laga helo bangiga maalgalinta yurub iyo shirkadda General Motors oo iyadu ah mulkiilihii horee shirkadda Saab.

Shirkadda General Motors ayaa iyaduna sheegtey in shirkadoodu si hordhac ah u ogoshahey in Antonov yeesho qeeyb ka mid ah shirkadda Saab laakiin waxay shirkaddu intaas raacisey in sidoo kale shirkadda Saab looga baahan yahay in ay buuxiso dhoowr shuruudood.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".