Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Hogaamiyihii Al-qaacida Usaama Bin Ladin oo la diley

Publicerat måndag 2 maj 2011 kl 09.59
Masawirka bidixda , Obama markuu ku dhawaaqayey dhimashada Usama bin Ladin. Masawirka dhexda dadka reer New York oo ku dabaabdagaya goobtii argagixisadu diyaaradaha ku qarxisey .Masawirka midigtuna waa masawir Tv ah oo laga qaadey Usama bin Ladin sanadkii 2001-dii. Foto. Scanpix.

Ciidamada dawladda mareeykanka ayaa habeenkii xaley weerar ku diley hogaamiyihii ururka Al-qaacida Usaama Bin Laadin.

Dawladaha reer galbeedka badankooda oo ay ka mid yihiin ururka midoowga yurub iyo gaashaanbuurta Nato ayaa soo dhaweeyey dilka la diley hogaamiyihii ururka Al-qaacida Usaama Bin Ladin.

 Laakiin madax badan oo adduunka ah ayaa dhanka kale ka digtey weeraro aargoosi ah ,waxayna sheegeen in uusan wali dhammaan dagaalkii lagula jirey argagixisada.

 Reeysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Fredrik Reinfeldt oo ka faaloonayey dilka la diley Usaama Bin Ladin ayaa sheegey in hadda uu meesha ka baxay ninkii argagixisada hormoodka iyo caqligaba u ahaa, hadda wixii ka danbeeyana waxba kama tari karo in uu ka qeeyb qaato dilal lagu dilayo dad aan waxba galabsan.

Ninkaasi wuxuu ahaa mid aan marna u nixin  cadadka tiroo dhimatey ,hadeey ahaan laheeyd  caruur,haween iyo muslimiin. Fikirka kaliya oo maskaxdiisa  ku jirey wuxuu ahaa dilitaan, ayuu yiri Fredrik Reinfeldt reeysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan.

Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Carl Bildt ayaa isaguna mar uu ka faaloonayey dilka la diley Usaama Bin Ladin wuxuu aaladda twitter-ka ku qorey " in adduunka oo uusan joogin Usaama Bin Ladin ,noqonayo aduun wanaagsan".

Hogaamiyaha xisbiga shacabka ee Folkparti-ga Jan Björklund ayaa sheegey in dunida oo dhan ay guul u tahay dhimashada Bin Ladin, wuxuuna wakaaladda wararka ee TT u sheegey in meesha uu ka baxay qofkii argagixiso ahaan dunida oo dhan ugu khatarsanaa.

Jan Björklund ayaa intaas ku darey in ridada dhow khatarta argagixisanimadu kor u kici doonto laakiin dhanka kale ridada dheer uu adduunku ahaan doono meel nabdoon.

Weerarka lagu diley Usaama Bin Ladin ayaa qaatey muddo 40 daqiiqo ah ,waxaana ka qeeybqaatey ilaa 20 ka mid ah askarta mareeykanka ee sida gaarka ah loo tababarey kuwaas oo watey diyaarado helikopter ah,

Stefan Ring oo ah khabiir ku takhasusey istaraatiijiyadda ciidamada ayaa wakaaladda wararka ee TT u sheegey in dilka Bin Ladin uu raad ku yeelan doono argagixisada dunida oo dhan.

Stefan Ring ayaa intaas ku darey in xilliyadii danbe Usama Bin Ladin ahaa guubaabiyaha argagixisada sidaas daraadeedna uu noqon karo mid lagu daydo oo shahiid ah.

Magnus Ranstorp oo ah khabiir ku takhasusey argagixisanimada ayaa sheegey in laga yaabo in qof qof shakhsi ahi isku dayaan in dilkiisa u aargudaan taas oo macneheedu yahay in ay yaraadaan weerarada qorsheeysan ee argagixisada.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".