Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Haweeney bumbaano ku handadey garoonka diyaaradaha Göteborg

Publicerat måndag 2 maj 2011 kl 15.38

Maanta oo isniin ah ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Landvetter ee magaalada Göteborg ka beenoowdey tuhun bumbaano ah oo wiishka deg dega ah darteed loo yeeriyey,ka dib markii haweeney Iswiidhish ah oo 60 jir ah lana socotey diyaarad dalkaan dibaddiisa ka keentey ay hoolkii taransiitka ka sheegtey in ay bumbaano bac ku wadato.

Ciidamada booliiska ayaa haweeneydaas ugu yimid garoonka diyaaradaha laakiin lama helin wax bumbaano ah oo ay haweentaasi wadatey ,waxaase loo qabtey tuhun la xiriira handadaad aan sharci aheeyn oo ay ku kacdey.

Lama sheegin wax haweeneydaas ku khasbey falkaas balse ciidamada booliiska ayaa sheegey in ay madaxa wax ka qabto.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".