Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cudurda galmada laga qaado oo dalkaan ku soo batey

Publicerat fredag 6 maj 2011 kl 10.56

Cudurada galmada laga qaado ee jabtada iyo waraaboowga ayaa ku soo batey dalkaan Iswiidhan.

Tusaale ahaan dadka qaba cudurka jabtada ayaa sanadkii hore kor u kacey waxaana la diiwaangaliyey ilaa 842 qof oo Iswiidhish ah oo qaba cudurka jabtada, tiradaas oo boqolkiiba 38 kor u kacdey marka la barbardhigo sanadkii 2009-ka, gaar ahaan dumarka qaadey cudurkaas ayaa kor u kacey boqolkiiba 57.

Dadka qaba cudurka waraaboowga ayaa iyaguna aad kor ugu kacey,sanadkii horena waxay kor u keceen dadka cudurkaas qaadey boqolkiiba toban, laakiin waxaa dhanka kale sanadkii hore hoos u dhacey dadka la diiwaangaliyey in ay qabaan cudurka klamydi-yaha oo ah cudur shabaha cudurka jabtada.

Dhawaantaan ayaa baaritaan la sameeyey waxaa lagu ogaadey in dhallinyarada badankoodu aysan isticmaalin cinjirka kondhomka ee galmada loo isticmalo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".