Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Rugaha lagu daryeelo dadka madaxa dhiigu uga furmo oo laga deeyriyey

Publicerat måndag 9 maj 2011 kl 10.15
Afar siyaabood oo aad ku ogaan kartid in qofka dhiig madaxa uga furmey ama aad naftiisa ku badbaadin kartid. Foto: Sveriges Radio

Qiyaastii ilaa 100 bukaan socod ayaa dalkaan Iswiidhan sanad walba dhinta ama qeeyba jirkooda ka mid ah cudurka qalalku ku dhacaa.

Waxyaalaha arrintaas Sababa ayaa ah in rugaha caafimaadka ee daryeela dadka maskaxda dhiigu uga furmo aysan u dhammeeystirneeyn qalabkii hawshaas looga baahnaa iyo sidoo kale in aysan rugahaasi dalkaan gudihiisa ugu qeeybsaneeyn si isle'eg, sidaasna waxaa lagu muujiyey tirakoob ku saabsan tayada rugaha lagu daryeelo dadka madaxa dhiigu uga furmo oo qaarkiis lagu daabacey wargeeyska Svenska Dagbladet.

Meelaha uu daryeelkaasi gabaabsiga ku yahayna waxaa ka mid ah isbitaalada waaweeyn ee magaalada Stockholm.

Tirakoobka ayaa dhanka kale muujiyey in rugaha ugu fiican dhanka daryeelka bukaanada madaxa dhiiggu uga furmaa tahay kuwa ku yaala Lycksele iyo Danderyd.

Sanad walba ilaa 30 000 oo qof ayaa dhiig madaxa uga furmaa dalkaan iswiidhan gudihiisa.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".