Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Farqiga u dhexeeya dadka lacagta leh iyo kuwa fakhriga ah oo siyaadey

Publicerat måndag 9 maj 2011 kl 12.28
Farqiga dakhli ee dalkaan oo sii kala fogaanaya.Sawir qaadayaasha: Hasse Holmberg och Fredrik Sandberg/Scanpix

Qoqobka deegaanka ee dalkaan Iswiidhan ayaa aad kor ugu kacey , waxaana isku celcelis ahaan in ka badan boqolkiina 10 kor u kacey dakhliga soo gala dadka dagan goobaha ay dadka ladani dagan yihiin marka loo barbardhigo goobaha ay dadka fakhriga ahi dagan yihiin,sidaasna waxaa lagu muujiyey warbixin ka soo baxdey hey'adda tirakoobka qaranka dalkaan Iswiidhan oo ay dalbatey idaacadda Iswiidhan.

Ilaa boqol goobood oo ku yaala dalkaan Iswiidhan ayna dagan yihiin dadka dakhligoodu ugu hoseeyey sanadkii 2009-kii sida tusaale ahaan xaafadda Rinkeby ee magaalada Stockholm iyo Bergsjön oo ku taala magaalada Göteborg, ayaa tobankii sanee la soo dhaafey dakhligooda bilaha ahi isku celcelis ahaan wuxuu siyaadey ilaa 2 000 oo karoon ,meesha uu dhanka kale isku celcelis ahaan siyaadey ilaa 22 000 oo karoon dakhliga bilaha ah ee soo gala dadka ladan ee daganaa goobihii ugu taajirsanaa dalkaan toban sano horteed.

Boqolka goobood oo dalkaan ugu taajirsan 96 ka mid ahi waxay ku yaaliin magaalada stockholm, Bromma ayaana ah goobta ay ku nool yihiin dadka dakhliga soo galaa uu ugu sareeyo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".