Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Maxkamadda sare oo dib u eegeeysa xukun horey u dhacey

Publicerat tisdag 10 maj 2011 kl 09.52
Foto Claudio Bresciani / Scanpix.

Maxkamadda sare ee dalkaan ayaa dib u eegeeysa dil sharafdhoowrka la xiriira oo sanadkii 2005-tii ka dhacey Högsby oo ka tirsan degmada Kalmar.

Xilligaas ayaa xukun ku dhacey wiil 18 jir ah oo diley nin 20 jir ah oo xiriir la lahaa wiilka wax diley walaashiis .

Baaritaano hore oo la sameeyey ayaa muujiyey qoysas badani arrintaan ku lug leeyihiin, laakiin cidda kaliya oo xukunku ku dhacey ayaa aheeyd wiilkaas 18 jirka ah.

Wiilkaas horey xukunku ugu dhacey oo imminka 22 jir ah ayaa jeelka ku jira ka dib markii uu soo dhameeystey afar sano oo lagu hayey xabsiga dhallaanka lagu hayo.

Waalidiintii wiilkaas la xukumey dhaley ayaa la qabtey waxaana maanta la horkeeney maxkamadda sare.

Wiilkaas 22 jirkaa ayaa ku nuuxnuuxsadey in codsigiisa la xiriira in dib loo eego xaaladdiisu raad ku leedahey maadaama lagu cadaadiyey geysashada dilkaas iyadoo laga fakarayo raadka arrintaasi uga tagi karto walaalihiisa yar yar haddii waalidiintiis ay xabsi galaan.

Marxuumka 20 jirkaa oo la diley ayaa lala dhacey dhoowr tooreey kuwaas oo sababey geeridiisa.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".