Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhan iyo dalalka ay hubka ka iibiso

Publicerat tisdag 10 maj 2011 kl 11.50
Foto: Flygvapenmuseum.

Dalkaan Iswiidhan ayaa dib u eegid ku sameeynaya shuruudaha la xiro dalalka raba in ay dalkaan ka gataan qalab milatari oo dagaal.

Dawladda iyo xisbiga Sooshaldemoqoraati-ga ayaa hadda ka wada hadlaya heshiis ay ka gaaraan sidii dalkaani hubka ugu dhoofin lahaa dalalka ay demoqoraadiyaddu ka jirto , wada hadaladaasina waa kuwa maraya heer gabagabo ah sida ay warisey idaacadda wararka ee Ekot.

Sanadkii la soo dhaafey wuxuu dalkaani dhoofiyey qalab dagaal oo qiimihiisu dhan yahay ilaa 13,7 milyaardar oo karoon .

Qalabkaan milatari ayaa waxaa boqolkiiba 30 laga iibshey ilaa 15 dal oo ay ka mid yihiin dalalka Imaaraadka carabta, Sucuudiga iyo dalka Pakistan.

Dhacdooyinka ka socda dalalka woqooyiga Afrika iyo barriga dhexe ayaa dhalisey dood,waxayna dib u soo cusbooneeysiisey in kali taliyayaasha laga mamnuuco in hub laga iibsho

Guddi hoosaadka arrimaha dibadda u qaabilsan baarlamaanka dalkaan Iswiidhan ayaa waxaa ka socda wadahadalo dhankaas la xiriira , waxaana maalinta khamiista la soo gudbin doonaa mooshin arrintaas ku saabsan oo loo codeeyo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".