Xaaladda Soomaalida kala Maqan iyo Hayadda Socdaalka

Hey'adda socdaalka (Migrationsverket )
Hey'adda socdaalka (Migrationsverket )

Isbedel ayaa laga soo bilaabo bishii noveember ee sannadkii 2009 ku dhacay isku keenidda qaraabada, waalidiinta iyo dhallaanka soomaalida ee dalkan ku dhaqan, kadib go’aan dhabba-tus ah ee maxkamadda sare ee soo-galootigu ku gaartay in shakhsigu caddeeyo ruuxa uu yahay si loola kulmiyo qarabaddiisa. Xeerkan ayey heshiis guud ka gaareen dawladda iyo xisbiga Dooggu sidii wax looga bedeli lahaa loona sahli lahaa in qaraabada soomaalida kala maqan la isu keeno iyada oo aan shuruud looga dhigin is-caddeeyn. Xeerkaasina hergeli doono kolka uu baarlamanka dalku ansixiyo koowda bisha luulyo ee sannadka 2012. Johan Rahm, madaxa laanta wararka ee hayadda socdaalka oo aan wareeysi khadka telefoonka kula yeelanay ayaa noo sheegay intii wixii intaa ka horreeya aaney suurtagal ahayn in hayaddu raacdo wax ka duwan xeerkii hore u jirin oo aan u suurtagelineeyn soomaalida badankood in aan la siin jawaab maya ka duwan.

La daabacay fredag 14 oktober 2011 kl 17:40
Skriv ut

La qaybso