Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Maxkammadda Suxufiyiinta ku Xiran Itoobiya

La daabacay måndag 17 oktober 2011 kl 09.30
Labada weriye ee Martin Schibbye iyo Johan Persson ee lugu heysto itoobiya. Foto: Anna Roxvall /Sveriges Radio

Labada suxufi e iswiidhishka ee ku xabisan dalka Itoobiya laguna heeysto dembi uu ka mid yahay fal-argagixisnimo ayaa looga cabsi qabaa in lagu xukumo xabsiyo dhaadheer inkastoona aaney rajo-dhigin oo is-dhiibin.

Maalinta oo isniin ah ayay dhiciba kartaa in maxkamaddooda la bilaabo iyadoona sida uu sheegay dal-jiraha dalkan u fadhiya Itoobiya Jens Odlander ey labada suxufi u diyaargaroobeen aadna ula socdaan dacwooyinka lagu soo oogi doono, mar uu ka hadlayay xaaladda dareenka suxufiyiinta.

Hawl-wadeennada safaaradda ayaa u diyaargaroobay haddii maxkammaddu bilaabato maanta, iyadoona sida lagu wado ey Schibbye iyo Persson hor iman doonaan maxkamadda maalinta salaasada ee berrito, si dacwaddooda ey uga dhageeystaan xeer-ilaaliyaha.

Dacwooyinka lagu haysto suxufiyiinta ayaa ah saddex nooc: Taageero, ka qeyb-qaadasho fal argagixisnimo iyo sidoo kale iney dalka ku soo galeen sharcidarro.

Dacwadda ugu dambaysa ee ah iney dalka ku soo galeen sharcidarro eyna hore u qirteen ayaa haddii middaa un lagu xukumo uu xeerka ka degsani yahay ganaax iyo in dalka laga masaafuriyo.

Halka haddii dacwooyinka kale oo ey diidan yihiin iney galeen lagu xukumo uu ku dhici doono xukun kor u gaaraya illaa 40 sannadood, sida uu sheegay Jens Odlander.

Xiisaha Saxaafadda

Xiisaha saxaafadda ayaa ah mid aad u sarreeya eyna goob-joog ka yihiin dhammaan idaacadaha iyo wargeeysyada waaweeyn ee dalkan. Halka suxufiyiintii ka socotey idaacaddaha la iska daawado ee SVT iyo TV4-ba qalabkoodii laga qabsaday kolkii ey ka degeen garoonka dayuuradaha ee magaalada Addis Ababa, hase yeeshee ey filayaan in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu soo celiyo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".