Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Aaminaadda Caymiska Jirrada oo Dhacday

La daabacay måndag 17 oktober 2011 kl 11.14

Aaminaadda bulshada Iswiidhen u qabaan nidaamka caymiska jirrada ayaa aad hoos ugu dhacay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey. Halka ey kor u kaceen aaminaadda bulshadu u hayso nidaamka daryeelka caafimaad iyo xannaanooyinka dhallaanka, sida ku cad war-bixin baaritaan hayadda caymiska bulshada soona galay idaacadda wararka ee Ekot uuna sameeyay caalin Stefan Svallförs:

Waa mid cad in nidaamka caymiska jirrada laga helayo kalsooni-ammaan ka liidata marka loo barbar-dhigo sidii uu ahaa nidaamkaasi 10 sannadood hortood. Halka uu hor-u-mar sameeyay nidaamka nolo-wanaagga bulshada tusaale ahaan daryeelka caafimaadka iyo goobo kale.

Waxaa bar hoos u dhacday tirada aan ku niyad-sameeyn howlaha daryeelka caafimaadka iyagoona hore u ahaa sannooyinkii 2002 illaa 2005 40%, halka ey sannadkii 2010 gaareen 25%.

Tiradaa ayaa kor u kacday marka laga hadlayo ceymiska jirrada ayna ahayd 25% sannadkii 2002, gaartayna 35% sannadkii tagay ee 2010.

Sidoo kale waxaa kor u kacaya sida uu caalinku sheegay tirada dadyoowga qaata mushaarooyinka sare ee qaba iney ka qeyb qaataan miisaaniyad gelinta hab nolol-wanaagga bulshada ee qidmadda lagu maal-geliyo:

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".