Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaxootiga Dhuumaaleeysiga lagu Keeno

La daabacay måndag 17 oktober 2011 kl 16.30
Amir Heidari. Sawirle: Randi Mossige Norheim/Sveriges Radio

Muwaadinkii iiraaniga ee dalka looga masaafuriyay kadib markii lagu caddeeyey dembiyo la xiriira inuu si tuuganimo ah ku soo gelin jiray qaxooti ayaa sheegay in xabsi la dhigay loona geeystay jir-dil. Isagoona maanta sheegay Amir Heidari mar uu u warramayay idaacadda caalamiga ah ee raadiyaha Iswiidhen inuu maxkamad la kori doono dawladda Iswiidhen, dhibaatadaa soo gaaratay daraadeed:

- Marka ugu horreeysa waxaan la tiigsan doonaa hayadda JK, dabadeed maxkamadda Yurub ee xuquuqda bani'aadamka iyo ugu dambeeynta hayadda Qarammada Midoobey, sida uu sheegay Amir Heidari oo u warramayay Kavoos Akhtari oo ka howl-gala idaacadda caalamiga ah ee raadiyaha Iswiidhen, laanteeda afka beershiga.

Halka masaafurintii dalka laga masaafuriyay ay ahayd jebin xeerka u degsan hayadda Qaramada Midoobey, sida ay sheegtay garyaqaanad Madeleine Seidlitz oo ka howl-gasha hayadda Amnesty mar ay u warrameeysay idaacadda wararka ee Ekot.

- Fikirka aan ka qabno ayaa ah in falkani burinayo sharciga caalamiga ah ee Qaramada Midoobey ee ka degsan jir-dilka, islamarkaana uu dalkani heshiiskaa wax ka saxiixay. Waxaa sidoo kale caddeeyd in Amir Heidari ey masaafurintaa kala soo gudboonaan kareen falal jir-dil. Sidoo kale wuxuu Heidari ahaa ruux marar dhowr ah lagu wareeystey hayadaha wararka ayna dhici karto in maamulka iyo hayadaha Iiraan ey la socdeen ruuxa uu yahay.

Amir Heidari wuxuu ka mid yahay dadyowga Yurub ugu caansan ee dhuumaaleeysiga ku soo waarida soo-galootiga, islamarkaana dhowr jeer xukun dalkan ku galabsaday. Iiraaniyiinta Iswiidhen ayaa ku kala qeeybsan, iyada oo qaarkood qabaan inuu yahay geesi, halka qaar kalana u haystaan inuu isticmaali jiray qaxootiga dalka Iiraan culeeyska ugala soo carara.

Heidari ayaa iminka ku sugan Yurub kadib kolkii uu ka soo baxsaday Iiraan, isagoona sheegay inuu toddoba bilood iyo bar xabsi ku sugnaa, qiyaastiina 15-jeer ee ka mid aheyd jir-dilladii loo loo geeystey madaxa loo geliyay bac madow, iyadoo weliba lagu garaacay fiilooyin:

- Waxay ahayd bac madow si aanad u arag ruuxa ku jir-dilaya. Markaa kadib ayey su'aalaha bilaabaan. Tusaale ahaan: ma garaneeysaa ruuxaa? May ma garanayo. May been ayaad sheegeeysaa. Markaa ayey bilaabaan dil, dil, dil oogada oo dhan. Muddo toddobaad ah ayaa oogadeeyda waxaa ka muuqday dhaawacyo, gacanta, faraha iyo oogadayda oo dhan, sida uu idaacadda wararka ee Ekot u sheegay Amir Heidari.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".