Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhibta Shaqada is-bedbedelka loo Galo

La daabacay tisdag 18 oktober 2011 kl 11.29
Sawirle: Bertil Ericson / Scanpix

Ruuxa yaraantiisaba ku bilaaba inuu ka howl-galo shaqo is-bedbedel loo galo (maalin, galab iyo habeen) ayaa qarka u saaran inta badan inuu asiibo cudurka neerviga ku dhaca ee cilmi ahaan loo soo gaabiyo MS - Multipel Skleros. Sida ku cad cilmi-baaris uu sameeyay machadka Karolinska ee dhaca xaafadda Solna.

Howlo noocaasiya oo uu muddo saddex sannadood ah ruuxu qabto inta aanu 20-jirsan ayaa kor u qaadeeysa 50% inuu asiibo cudurka MS.

Anna Karin Hedström waxay ka mid ahayd dhakhaatiirtii baaritaankan wax ka soo sameeysay:

- Haddii shaqada loo galo wakhtiyo kala duwan waxay middaasi jahwareer gelineeysaa saacaddii oogada ee dabiiciga ahayd. Sidoo kale waxaa la ogaaday in dadyowga habkaa ku howl-galaa ka hurdo liitaan dadka intiisa kale. Waxey kuwaasina sababaan difaaca jirka oo daciifa sababina kara cudurka MS-ka nolosha dambe ee ruuxa.

Lama ogsoona illaa iyo hadda sababta dhallaanka aan qaan-gaarini uu difaaca oogadoodu uga dhaga-nugul yahay kolka hab-nololeedku is-bedel ku yimaado laguna howl-galo xilliyo kala duwan.

Culuuntan ayaa lagu ogaaday laba baaritaan oo aan wax shaqa ah isku lahayn oo laga qaaday 14 000 oo ruux eyna ka soo baxeen natiijooyin isku mid ah.

Sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in cudurka MS ey sababaan iyada oo dhaxal lagu kala qaado iyo sababo cimiladu ka mid tahay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".