Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dayuuradaha Iswiidhen oo la soo Celin Doono

La daabacay tisdag 18 oktober 2011 kl 16.00
Dayuuradda Jas Gripen. Sawirle: Pontus Lundahl / SCANPIX.

Toddobaadka soo socda ayaa dib dalka loogu soo celin doonaa dayuurradaha dagaalka ee dalkan uga howl-gala Liibiya, kuwaasina oo ka qayb qaadanayey howlihii ciidammada Naato ey carrigaa ka wadeen.

- Hoowlihii ciidanka Iswiidhen dalkaa ka hayeen ayaa dhankayaga inooga eg 24-ka bishan oktoobar, sida uu sheegay abbaanduulaha guud ee ciidammada qalabka sida ee dalkan Iswiidhen Sverker Göransson.

Dhanka kale dawladda ayaan ku talo jirin inay kordhiso howl-galka ciidammada dalkan ee Liibiya.

Dayuurradihii dagaalka ee ugu horreeyey ee dalkan ayaa gaaray carriga Sisiiliya (talyaaniga) labadii bishii abriil ee sannadkan iyodoona dhowr jeer la kordhiyey dabadeed muddada ey halkaa ku sugnaayeen.

560 duulimaad ama howlood ayey dayuuradahaasi fuliyeen illaa 16-kii bishan oktoober, iyadoona howshiiba ey ka qeyb qaadanyeen laba dayuuradood. Halka ey war-gelin ku siiyeen ciidammada Naato muddadaa 2 198 war-bixinnood.

Dawladda ayaa ku qiyaastay in howlahaasi ku baxeen dhaqaale gaarsiisan 336 malyuun ee koronka iswiidhishka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".